Midowga Afrika oo loogu baaqay inuu soo afjaro khilaafka Liibiya

Qaramada midoobay ayaa madaxda dalalka midowga Afrika ugu baaqday inay kaalin ka qaataan sidii loo soo afjari lahaa dagaallada saameeyay wadanka Liibiya.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo magaalada Addis Ababa ee Itoobiya uu ka furmay meertada 33-aad ee shirka AU-da.
Madaxweynaha dalka Congo Denis Sassou Nguesso oo wax laga weydiiyay inay suurtagal tahay in heshiis nabadeed laga gaaro khilaafka Liibiya ayaa xusay in arrintaas ay ka mid tahay qodobbada laga wada xaajoonaya.
Tan iyo bishii afaraad ee sannadkii tagay waxaa ay isku dhacdyo u dhaxeeyeen ciidamada dowladda uu caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya iyo kuwa ka soo horjeeda ee uu hoggaamiyo Khalifa Haftar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here