Midowga Yurub oo cunaqabatayn ugu hanjabay Turkiga

Wadamada Yurub ee ku bahoobbay ururka Midowga Yurub ayaa ku hanjabay inay cunaqabatayn saari doonaan dalka Turkiga, haddii uusan ka laaban go’aanka uu qodidda shidaalka iyo gaaska dabiiciga ahi ee uu ka wado meel u dhow biyaha dalka Qubrus ee barigga badda Mediterranean-ka.
Midowga Yurub tallaabada wuxuu ku sheegay mid sharci darro ah,iyadoo Turkigana uu ku tilmaamay in ceelashaasi shidaalka uu ka qodayo gudaha dalkiisa, si waafaqsan shuruucda caalamiga ahi.

Madaxa golaha Midowga Yurub Jean-Claude Juncker ayaa go’aanka Turkiga ku tilmaamay mid gebi ahaanba aan la aqbali karin,waxaana hadalkan uu ku soo beegmaya xilli magaalada Brussels uu shir uga socdo Midowga Yurub.
Turkiga ayaa khamiistii la soo dhaafay Qubrus u diray markab labaad oo ah kuwa lagu qodo ceelasha shidaalka.Jamhuuriyadda Qubrus ayaa xubin ka ah Midowga Yurub balse woqooyiga Qubrus oo ka go’day jamhuuriyaddaasi ayaa gacansaar weyn la leh dalka Turkiga.

Golaha Midowga Yurub oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha waddamda reer Yurub ayaa Turkiga ugu baaqay in uu joojiyo arrintaasi isla markaana uu ixtiraamo madaxbannaanida dhuleed ee Qubrus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here