Midowga Yurub oo daawo u raadinaya COVID19

Hoggaamiyaha wadanka Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in guddiga midowga yurub uu ku howlan yahay inuu heshiisyo la saxiixdo shirkadaha daawooyinka soo saaro.
Waxaa dadaalkan looga gol -leeyahay in cudurka COVID19 ee caalamka saameeyay loo helo tallaal lagu daaweyn karo.
Afhayeen u hadlay guddiga midowga yurub ayaa shalay sheegay in guddigu uu lacag hormaris ah oo dhan 336 milyan oo euro una dhiganta 399.5 milyan oo doolar uu siiyay shirkadda daawooyinka sameysay ee ingiriiska ee AstraZeneca.
Waxaa lacagtan lagu soo iibinaya ugu yaraan 300 milyan oo xabbo oo ah daawado la rajeynaya inay ka takhalusi karto COVID19.
Shir jaraaid oo ay qabatay ayay Angela Merkel wariyaasha ugu sheegtay inay jiraan heshiisyo dheeraad oo ku saabsan sidii daawo loogu heli lahaa cudurka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here