Midowga Yurub oo deeq Daawooyin ah gaarsiisay Magaalada Muqdisho

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa Maanta ka degtay diyaarad siday deeq dawo ah oo katimid Midowga Yurub,taasoo lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya.
Munaasabad kooban oo ka dhacday Garoonka Aadan-Cadde ayaa mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Midowga Yurub ee Muqdisho waxaa ay deeqdaasi dawada ah ku wareejiyeen Xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka ee dowlada Fedraalka ah ee Soomaaliya.
Deeqdaan dawada ah ayaa waxaa la sheegay inay qeyb ka tahay gurmadka caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed ay ka heleyso caalamka gaar ahaan kuwo loogu talo galay ka hortagga cudurka COVID-19 iyo cuduro kale ee Faafa.
Xubnaha ka socday Wasaradda Caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa midowga Yurub waxaay uga mahad celiyeen deeqdaan dawada ah oo ay soo gaarsiiyeen,waxaana dhinaca kale Xubnaha Safaarada Midowga Yurub ee Magaalada Muqdisho ay dhankooda sheegeen inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here