Midowga Yurub oo Kenya siiyay 270 milyan

Dowladda dhexe ayaa deeq lacageed oo dhan 270 milyan oo shilin ka heshay midowga Yurub.
Dhaqaalahan ayaa lagu kordhinaya kheyraadka lagula tacaalaya cudurka COVID19.
Deeqdan ayaa ka soo baxday waaxda badbaadinta muwaadiniinta iyo howlaha gargaarka baniaadanimo ee EU-da waxaana la soo marinaya hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO laanteeda Kenya.
Taageeradan ayaa ku soo aadaysa xilli gudaha wadanka laga xaqiijiyay xaalado coronavirus oo gaaraya 6,190 halka 144 qof ay u dhintene cudurka COVID19.
WHO ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in lacagtan ay ku kabi doonto dadaallada dowladda Kenya ee ku aaddan xakameynta faafitaanka fayraska.
Sido kale dhaqaalahan ayaa lagu qarash gelin doonaa tababarrada la siinaya howlwadeennada caafimaadka ee heer qaran iyo ismaamullada.
Waxaa sido kale lagu sii xoojinaya barnaamijyada wacyigelinta ee loo sameynaya bulshooyinka ku nool meelaha kiisaska ugu badan ee caabuqa laga soo tabiyay.
WHO ayaa sheegtay in shaqaale farsamo oo dheeraad ah la geyn doono 47-da ismaamul ee wadanka.
Wakiilka hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO laanteeda Kenya Dr Rudi Eagers ayaa sheegay in caawimaaddan la helay xilli cudurka uu si weyn bulshada dhexdeeda ugu fidaya sidaas awgeedna loo baahan yahay tallaabooyin dheeraad oo lagu xakameyn karo.
Safiirka midowga Yurub ee dalka Simon Mordue ayaa dhankiisa sheegay in iskaashiga ka dhexeya labada dhinac uu yahay mid lagama maarmaan ah.
Waxaa uu intaa ku daray in midowga Yurub ay ka go’an tahay inay Kenya garab ku siiso joojinta faafitaanka fayraska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here