Midowga Yurub oo Kenya ugu deeqay lacag dhan 7.8 bilyan shilin

Midowga yurub ee (EU) ayaa Kenya ugu yaboohay 7.8 bilyan oo shilinka dalka oo dheeri ah si wax looga qabto saameynta dhaqaale ee ka dhalatay cudurka COVID-19.
War qoraal ah oo uu maanta soo saaray Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in lacagtan loogu talo galay caawinta dadka Kenyaanka ee halista ugu jira gaajada iyo sido kale xoojinta tallaabooyinka looga hortagayo faafitaanka cudurka.
Dhaqaalahan ayaa waxaa ka mid ah 3.6 bilyan oo loo adeegsan doono horumarinta kheeraadka dalka iyo wax ka qabashada saameynta cudurka uu ku yeeshay caafimaadka, bulshada iyo dhaqaalaha iyadoo loo marinayo miisaaniyadda qaranka.
Deeqdan ayaa sidoo kale ka mid ah 1.2 bilyan oo shilin oo lagu taageraya qoysaska saboolka ah ee u nugul dhibaatooyinka iyo shaqsiyaadka ku sugan goobaha aan rasmiga ahayn uuna saameeyay cudurka sii faafaya iyadoo loo marinayo xawaladaha.
Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Kenya Simon Mordue ayaa yiri “Midowga Yurub wuxuu garab taagan yahay Kenya inta lagu jiro muddadan adag waxaanan garwaaqsan nahay saameynta daran ee dhibaatadan ay ku yeelanayso nolosha dadka Kenyaanka.
Dhaqaale dheeraad oo dhan 2.43 bilyan oo shilin ayaa lagu taageeri doonaa ganacsiyada yaryar si ay u heleen lacago ay muddo kooban ku shaqeysan karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here