Midowga Yurub oo Kenya ugu deeqaya 606 milyan oo shilin

Kenyaanka dhibaatooyinka u nugul oo tiradoodu lagu sheegay 80,000 oo qof kuwaasoo cudurka Covid-19 uu saameyn gaar ah ku yeeshay noloshooda ayaa ka faaiidaysan doono deeq dhan 606 milyan oo shilin oo uu midowga Yurub siinaya dowladda Kenya.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday safiirka midowga EU-da u qaabilsan dalka ,Simon Mordue.
Laga billaabo bishan , saaxiibada Kenya ee sida dhow ula shaqeeya midowga Yurub ayaa bil kasta lacago cadaan ah siin doono 20,000 oo ah qoysas ku nool xaafadaha Kibera, Korogocho, Mathare, Soweto, Majengo, Gitare, Marigo, Gatina Lunga Lunga, Kayole iyo Mukuru.
Barnaamijkan oo soconaya muddo saddex bilood ah ayaa dadka ka faaiidaysanaya waxaa lacagaha si toos ah loogu dirayaa adeegga M-Pesa wuxuuna sii xoojinaya midka wasaaradda shaqaalaha ee Inua Jamii .
Waxaa barnaamijkan qeyb ka ah hay’adaha Oxfam ,Kenya Red Cross Society, Concern Worldwide, ACTED, IMPACT, the Centre for Rights Education and Awareness iyo Wangu Kanja Foundation.
Simon Mordue, safiirka midowga Yurub ku matalo dalka ayaa sheegay in deeqdan looga gol leeyahay in la xalliyo boqolkiiba 50 ee cunno yarida jirta.
Sido kale shakhsiyaadka lacagahan la siinaya ayaa la doonaya inay ku iibsadaan waxyaabaha aasaasiga ah sida saabuunta, biyaha , qarashaadka wicitaanka ee taleefoonka gacanta iyo inay ku bixiyaan kirada guriga
Midowga Yurub ayaa sheegay inuu Kenya xilligan adag taageero weyn u muujin doono gaar ahaan shacabka ku nool xaafadaha isku raranta ah, haweenka, waayeellada iyo naafada.
Waxaa ay EU-da sheegaysa in boqolkiiba 30 ee Kenyaanka ku nool xaafadaha iskuraranta ah inay wajahayaan gaajo aad u daran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here