Midowga Yurub oo shaaciyay heshiis lala gaaray Ingiriiska

Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa wada gaaray heshiis ku aaddan hannaanka Brexit ee Britan ay uga baxeyso EU-da.
Dhammaadka bishan ayuu qorshuhu yahay in ingiriiska uu ka dhabeeyo ololihii in muddo ah ay soo wadday Theresa May , haatanna uu ku howlanyahay ra’iisul wasaare Boris Johnson.
Madaxa guddiga midowga Yurub Jean-Claude Juncker ayaa heshiika la gaaray maanta oo khamiis ah ku dhawaaqay.
Qoraal uu soo dhigay twitarka ayuu ku sheegay in isafgaradka uu yahay mid caddaalad ah waxaana tani soo dhaweeyay Mr. Johnson.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here