Midowga Yurub oo taageeraya bulshooyinka dhanka horumarka ku dambeeya

Xafiiska Midowga Yurub u qaabilsan dalka ayaa daahfuray barnaamij soconaya 15 bilood oo loogu magacdaray Pamoja Dhidi ya Corona oo ay micnaheedu tahay in laga midoobo la dagaalanka coronavirus.
Waxaa looga gol-leeyahay in lagu taageero bulshooyinka lagu gacan bidixeeyay dhinaca horumarka si ay u helaan macluumaadka saxda ah ee ku saabsan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka COVID19.
Ergeyga Midowga Yurub ee Kenya Simon Mordue ayaa sheegay inay howlgelin doonaan dad ay bulshadu ku kalsoon tahay.
Waxaa uu xusay in barnaamijkan uu qayb ka yahay falcelinta Yurub ee ka dhanka ah cudurka.
Safiirka ayaa intaa ku daray in Midowga Yurub uu Kenya ugu deeqay ilaa 40 bilyan oo shilin si ay wax uga qabato cudurka sii faafaya.
Iyadoo la adeegsanaya siyaabaha kala duwan ee wacyigelinta ayaa waxaa barnaamijkan ka faaiidaysanaya dadka ku nool xaafadaha Mathare iyo Kibera ee Nairobi, ismaamullada Kwale, Mombasa, Kilifi, Tana River iyo Garissa .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here