Miguna Miguna oo sheegay inuu talaadada imaanaya dalka

Qareenka horay wadanka looga tarxiilay ee Miguna Miguna ayaa shaaca ka qaaday inuu mar kale Nairobi ku soo wajahan yahay.
Bartiisa rasmiga ee Twitarka ayuu ku sheegay in diyaaradda uu la socdo ay garoonka caalamiga ee JKIA ka soo caga dhigan doonto 9-ka fiidnimo ee talaadada oo ay taariikhdu ku beegan tahay 7-da bishan Jannaayo.
Miguna ayaa sheegay in xuriyadda ay ku saleysan tahay wax qofka ay diiradda u saaran tahay , niyad , dhaqan wanaag iyo sido kale geesinimo.
Waxay wararku intaasi ku darayaan inuu garyaqaanada u doodaya ku wargeliyay imaanshihiisa oo ayna gagida diyaaradaha ku sugayaan.
19-kii bishii hore ee Diseembar ayay ahayd markii Miguna Miguna uu sheegay inuu wadanka dib ugu soo laabanaya isagoo ku baaqay in la tixgeliyo xuquuqdiisa baniaadanimo ee dastuuriga ah.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa 30-kii isla bishaas xilli uu ka qeyb galayay aas loo sameeyay Charles Rubia sheegay in maamulka uu hoggaamiyo uu si buuxda u ilaalinayo xuriyadda qof kasta uu u leeyahay inuu muujiyo dareenkiisa.
Mr. Kenyatta oo u muuqday inuu si dadban uga hadlaya dib u soo laabashada Miguna ayaa xusay in qof kasta oo u ololeynaya inuu xuriyadda iyo dimuqaraadiyadda jirta ka faaiidaysto looga baahan yahay inuu u adeegsado ka hadalka xal u helidda dhibaatooyinka dalka ka jiro.
7-dii bishii labaad ee sannadkii 2018-kii ayay ahayd markii qareenkan oo isku yeera taliyaha dhaqdhaqaaqa NRM isqabqabsi ka dhacay garoonka JKIA ee magaaladatani Nairobi kaddib loo tarxiilay dalka Canada oo uu jinsiyadisa haysto.
Waaxda socdaalka ee dalka ayaa sheegtay in Miguna Miguna uu sannado ka hor ka tanaasulay jinsiyaddiisa Kenya balse taasi ayuu beeniyay.
Waxaa lagu xusuustaa inuu kaalin weyn ka qaatay tallaabadii madaxa mucaaradka ee dalka Raila Odinga uu isugu dhaariyay madaxweynaha shacabka.
14-kii bishii Diseembar ee sannadkii 2018-kii ayay maxkamadda sare ee dalka go’aamisay in ninkan si sharci darro ah wadanka looga musaafuriyay.
Maxkamadda ayaa amar ku bixisay in Miguna Miguna la siiyo 7 milyan oo shilin oo magdhow lacageed ah maadaama xuquuqdiisa dastuuriga ah lagu xadgudbay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here