Miisaaniyadda Japan oo la ansaxiyay

Golaha wasiirrada ee dowladda Japan aya ansaxiyay miisaaniyad dhaqaale oo dhan 939 bilyan oo doolar taaso la adeegsan doono inta u dhaxeysa 2020-2021-ka.
Arrintan ayaa waxaa maanta oo Jimco ah bayaan ay soo saartay shaaca kaga qaadday wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta ee jamhuuriyaddaasi ee uu hoggaamiyo Taro Aso.
Lacagtan oo ah 102.7 tiriiloyoon oo yen ayaa boqolkiiba 12 ka badan midda hadda Japan ay ku shaqeyso.
Xukuumadda ra’iisul wasaaraha dalkaas , Shinzo Abe ayaa xoogga saaraysa sidii uu u jiri lahaa kobac dhaqaale.
Waxaa sido kale ay xukuumaddu horay u qorsheysay in sideed sano oo xiriir ah ay sare u kacdo miisaaniyadda dhaqaale ee ay adeegsadaan waaxyaha kala duwan ee dowladda dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here