Miisaaniyadda sanadlaha ee dalka oo la soo bandhigaya 11-ka Juun

Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka Mr. Ukur Yatani ayaa lagu wadaa inuu 11-ka bisha lixaad ee sannadkan uu shaaca ka qaado miisaaniyad sannadeedka.
Mr. Yatani ayaa bayaanka miisaaniyad sannadeedka 2020/2021 baarlamaanka ka hor akhrin doono 3-da galabnimo ee taariikhda aan soo sheegnay.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale ay dowladda kheyraad u qoondeynayso wax ka qabashada cudurka covid-19 iyo saameynta uu yeeshay.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo khudbad jeediyay uu soo bandhigay qorsho la xiriira dhaqaalaha oo ka kooban 8 qodob waxaana ka mid ah
In 3 bilyan oo shilin loo qoondeeyay ganacsiyada yar, 2 bilyan waxaa dib loogu soo kabayaa waaxda dalxiiska.
5000 oo dhaqaatiir dheeraad ayaa muddo hal sano gudihii la shaqaleysiinaya
6.5 bilyan waxaa lagu shaqaleysiinaya 10,000 oo macallimiin ah
1.7 bilyan waxaa lagu dayactiraya isbitaallada dowladda.
259 milyan oo shilin waxaa si toddobaadla ah loogu taageeraya qoysaska dhibaatooyinka u nugul.
Kiisas caabuqa corona ee ilaa iyo hadda gudaha wadanka laga xaqiijiyay ayaa ah 1192 kaddib markii shalay lagu dhawaaqay 31 cusub oo dheeraad ah.
Sido kale bangiga adduunka ayaa Kenya siinaya amaah lacageed oo dhan 4.6 bilyan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here