Mike Pompeo oo gaaray Israel si uu uga hadlo arrimaha Iiraan

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa gaaray Israel si uu wada hadal ula yeesho rai’isul wasaaraha dalkaasi Benjamin Netanyahu iyo Benny Gantz oo horey u ahaa mucaarad balse hadda ay dawladda wadaaga ah ee cusub ay iskula jiraan.
Mr. Pompeo oo markii ugu horreysay dibadda u safray muddo labo bilood ah fayraska korona awadii ayaa saaka ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Tel Aviv.
Inta uu ku guda jiro booqashadiisa, Pompeo ayaa la filayaa inuu madaxda kale kala hadlo Iran, coronavirus iyo in Israel ay u suurta gasho la wareegida qeybo ka mid ah Daanta Galbeed, tallaabadan oo la filayo inay ka careysiiso Falastiiniyiinta iyo xulafada reer Galbeedka ee Israa’iil.
Netanyahu iyo Gantz ayaa dib u dhigay dhaarinta xukuumadda cusub si loo marti geliyo booqashada halka maalin ee Pompeo.
Heshiiska Pompeo iyo Gantz ayaa qayb ka ah in laga bilaabo 1-da bisha Luulyo la dardar geliyo qorshaha la wareegida Daanta Galbeed kaas oo ku cad qorshaha Bariga Dhexe ee madaxweyne Donald Trump.
Go’aanka muranka badan dhaliyay ee kasoo baxay Washington ayaa Israel wadada ugu iftiiminaya in ay dib u qabato degsiimooyinka Yahuuda iyo meelaha kale ee muhiimka ah ee xuduuda Daanta Galbeed ee la haysto.
Falastiniyiintu ayaa go’aanka Trump kasoo hor jeestay sannadkii 2017-kii iyaga oo xiriirka u jaray xukuumadiisa.
Ku dhawaad 3 milyan oo ah shacabka reer Falastiin ayaa ku nool halkaasi marka loo barbar dhigo 400,000 ee Israeliyiinta ah ee degnaanshaha leh oo uu ka hor imaaday sharciga caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here