Mike Sonko oo beeniyay eedeyn uga timid maamulka NMS

Barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymo dhawaan uga yimid agaasimaha guud ee maamulka NMS Maxamad Badi .
Dhawaan ayay ahayd markii Mr. Badi oo ay dowladda dhexe u xilsaartay maareynta qaar ka mid ah adeegyada shacabka ee caasimadda dalka uu sheegay inuu ka shaqeyn la’yahay dowladda hoose ee Nairobi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulka Mike Sonko uu caqabad ku noqday in NMS ay gudato waajibaadka loo igmaday.
Maxamad Badi ayaa tusaale u soo qaatay amarro maxkamadeed oo lagu hor istaagay dadaallada ay dadweynaha ugu adeegayaan.
Waxaa uu sido kale xusay in lacagaha ismaamulka oo meelo kale loo weeciyay ay sababtay in aan la dardargelin howlaha maamulka NMS ee uu hoggaamiyo.
Agaasimaha guud ee NMS ayaa sido kale sheegay inuu musuqmaasuq hareeyay nidaamka dakhliga ee caasimadda.
Xilli uu Talaadadii ka soo hormuuqday guddiga baarlamaanka ee qaabilsan arrimaha amniga qaranka iyo maamulka ayuu Maxamad Badi sheegay in xita uunan dakhli soo galin maadaama lacagaha canshuur ahaan loo qaado lagu wareejiyo akoono shakhsiyeed.
Hasa ahaate afhayeenka Mike Sonko Ben Mulwa ayaa warbaahinta u sheegay in waxyaabaha uu ku hadlay agaasimaha NMS ay yihiin kuwo xaqiiqda ka fog oo aan loo meel dayin.
Wuxuu Mr. Badi ku eedeyay inuu doonayo inuu wax u dhimo sumcadda barasaabka magaala madaxda wadanka Mike Sonko.

Mulwa ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ka sheegay in Guddoomiyaha Nairobi uu aad uga xun yahay hadallada ka soo yeeray agaasimaha guud ee NMS maadaama labadan mas’uul ay horay u gaareen heshiis ah inay soo afjaraan khilaafkii ka dhexeyay oo ayna wada shaqeyaan.
Afhayeenka Mike Sonko ayaa intaa ku daray in eedeymaha Badi ay keliya dib u dhac ku keenayaan bixinta adeegyada loo fidiyo shacabka Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here