Mike Sonko oo dacwad ka gudbiyay guddiga EACC

Barasaabka ismaamulka Nairobi ,Mike Mbuvi Sonko ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad uu ku doonayo in guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC uunan wax baaritaano ah ku sameyn.
Sonko ayaa ku doodaya in baaritaanada la xiriira musuqmaasuqa ee isaga ka dhanka ah ay yihiin kuwo aan daacad laga ahayn oo lagu bartilmaameedsanayo.
Mr .Sonko, ayaa sido kale sheegay in guddiga EACC, waaxda dacwad soo oogidda iyo waaxda dambi baarista inay xafiisyadooda si aan habbooneyn u adeegsanayaan.
Barasaabka caasimadda dalka ayaa intaasi ku daray in maamuladan ay dhanka kale isku dayayaan inay saameyn ku yeeshaan natiijada ka soo baxdo baaritaanada.
Mr. Sonko ayaa maxkamadda ka codsaday inay bixiso amar lagu joojinayo baaritaanada si ay ula wareegto waax kale oo sida uu hadalka u dhigay uu ku kalsoonaan karo.
Maalmo ka hor ayayd ahayd markii barasaabka Nairobi looga yeeray xarunta dhexe ee guddiga EACC ee magaaladatani Nairobi halkaasi oo su’aalo lagu weydiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here