Mike Sonko oo ka hadlay shaqooyinka uu ku wareejiyay dowladda dhexe

Barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa bayaan uu soo saaray oo lagu daabacay boggiisa rasmiga ee Facebook-ga waxaa uu faahfaahin ka bixiyay sababta dhawaan ilaa afar shaqo uu ugu wareejiyay dowladda dhexe.
25-kii bishan ayay ahayd markii madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ay shaaca ka qaadday in dowladda dhexe ay la wareegtay shaqooyin hoos tagayay ismaamulka Nairobi sida maareynta adeegyada caafimaadka , gaadiidka, howlaha guud iyo sido kale qorsheynta iyo horumarinta dowlad deegaanka Nairobi.
Heshiis arrinkan ku aaddan ayaa lagu saxiixday xarunta State House.
Waxaa halkaas goobjoog ku ahaa barasaabka caasimadda dalka Mike Sonko, wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Mr. Eugene Wamalwa , guddoomiyaha aqalka sare Mr. Ken Lusaka, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara iyo madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta.
Sonko ayaa qoraalkiisa ku sheegay in tan iyo markii uu xilka guddoomiyaha Nairobi qabtay qorshihiisa uu ahaa in shacabka loogu adeego si hufan oo ay ku qancaan.
Wuxuu intaas ku daray in dowladda ismaamulka ay dejisay qorshayaasha barnaamijyo dhowr ah sido kalena ay dhaqangelisay.
Barasaabka ayaa xusay in Nairobi maadaama ay tahay caasimadda wadanka baahiyaha ka jiro aynan la mid ahayn kuwa dowlad deegaannada kale sidaas awgeedna la doonayo iskaashi lala yeesho maamullada kale oo ay dowladda dhexe ka mid tahay.
Mike Sonko ayaa hoosta ka xarriiqay in si loo daboolo baahiyaha ka jiro magaala madaxda wadanka ay ka soo qiyaas qaateen magaalooyinka sida Washington DC oo ka tirsan Maraykanka iyo Abuja ee dalka Nigeria.
Waxaa uu sheegay in waxyaabaha u soo baxay ay ka mid tahay in caasimadaha iyo magaalooyinka waweyn maamulkooda uu u dhaxeeya waaxyo hoose iyo dowladda dhexe.
Guddoomiyaha Nairobi ayaa sido kale caddeeyay in iyadoo la adeegsanaya nidaamyada ka jira Maraykanka iyo Nigeria uu wada hadal la furay dowladda dhexe si xal waara loogu helo bixinta adeegyada ay u baahan yihiin shacabka caasimadda iyo sido kale isku dubaridka maareynta kheyraadka.
Sonko ayaa sido kale sheegay in wada hadallada ay qeyb ka ahaayeen geedisocod muddo qaatay oo ugu dambeyn horseeday heshiiskii lagu dowladda dhexe ay kula wareegtay afar ka mid ah shaqooyinkii ismaamulka Nairobi.
Mike Sonko ayaa hoosta ka xarriiqay in maamul ahaan ay aaminsan yihiin in heshiiskii la gaaray uu sii xoojinayo bixinta adeegyada shacabka sido kalena Nairobi uu ka dhigayo mid loogu soo hirto dhaqaalaha gobolka.
Barasaabka ayaa caddeeyay inay diiradda saari doonaan waajibaadka kale ee aan qeybta ka ahayn heshiiska.
Sido kale waxaa uu Mike Sonko sheegay inay rajeynayaan in wareejinta shaqooyinka qaar ay horseedi doonto maamul wanaag dhanka kalena ay xoojin doonto dowlad wadaajinta.
Waxaa uu dhanka kale madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo hoggaanka xisbiga talada haya ee Jubilee uu uga mahadceliyay sida ay u muujiyeen inay ka go’a n tahay ka shaqeynta qaabka ugu wanaagsan ee shacabka Nairobi ay ku heli karaan adeegyada ay u baahan yihiin.
Tallaabada ay dowladda dhexe qaadday ayaa waxaa ka dhalatay hadal hayn iyo dood sharciyeed.
Waxaan arrintan wax ka weydiinayay Cabdiqaadir Maxamad oo qareen ah horayna u soo noqday la taliyaha madaxweynaha ee dhanka dastuurka

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi , Beatrice Elachi ayaa sido kale dareenkeeda arrintan ku biirisay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here