Mike Sonko oo shaqada ka joojiyay 16 sarkaal oo ka tirsan xukumadda Nairobi

Gudoomiyaha ismamulka Nairobi Mike Mbuvi Sonko ayaa shaqada ka istaajiyay 16 sarkaal oo ugu sareysa dowladda ismamaul goboleedka Nairobi
Tani ayaa timid ka dib markii 8 arday ah la xaqiijiyay inay ku dhinteen dugsiga Precious Talent School oo dumay kaasi oo ku yaalla wadada Ngong Road deegaanka Dagoretti ee magaaladatani Nairobi.
Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Magaalada Nairobi, Mike Sonko wuxuu ku sheegay in maamulkiisu uusan aqbali doonin ama u dulqaadan doonin nooc kasta oo musuqmaasuq ah, karti la’aan ama liidasho halis gelin karta nolosha dadka deggan Nairobi.
Saraakiisha shaqada laga joojiyay waxaa ka mid ah wasiirka caafimaadka Mohammed Dagane , iyo wasiirka Maaliyadda Charles Kerich.
16-ka sarkaal ee shaqada laga joojiyay waxaa lala xariiriyay musiibadii maalmo ka hor ka dhacday dugsiga hoose dhexe Precious Talent School.
Dhanka kale wasiirka wasaarada waxbarashada dalka George Magoha ayaa maanta amray in albaabada la isugu dhufto dhamaan iskuulada khatarta galin gara nolosha ardayda.
Wasiirka waxbarashada dalka ayaa sido kale maanta amray in la xiro skuul ku yaala deegaanka Kibra kaasi oo uu sheegay in loo dhisin hanaan wanaagsan.
Sido kale saraakiisha waxabarashada ee dalka ayaa maanta booqday skuulkii ay dhawaan ku dhinteen arday ee deegaanka Dagoretti .
Waxaa la filaya in dhowr skuula ah albaabada la isugu dhufan doono maadama wasaaradda waxbarashada ay samaynayso feejignaan ah inay dhacdo midi ka dhacday dhawaan dugsiga hoose ee Precious Talent School .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here