Milatariga Kenya oo diyaarado ka soo iibsanaya Maraykanka

Wargeyska Business Daily ee wax ka qoro arrimaha ganacsiga ayaa ku warramaya in waaxda difaaca dalka la filayo inay 6 ka mid ah diyaaradaha qummaatiga u kaco ee loo yaqaano Helikobtarka ay ka soo iibsato Maraykanka.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah heshiis horay loo wada saxiixday oo dhigayay in Kenya ay la soo wareegto 12 diyaaradood oo gudaha xukuumadda Washington lagu sameeyay.
Heshiiskaasi ayaa qiimo ahaan ku kacaya 253 milyan oo doolar oo u dhiganta (25 bilyan oo shilin).
Bishii shanaad ee sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii aqalka kongareeska Maraykanka uu ansaxiyay is-afgaradkan dhex maray labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here