Milatariga Maraykanka oo sarkaal looga dilay Afghanistan

Ciidamada Milatariga ee Maraykanka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in sarkaal ka tirsan looga takhalusay gudaha wadanka Afghanistan.
Waaxda gaashaan dhigga ee xukuumadda Washington ayaan arrintan faahfaahin dheeraad ah ka bixin.
Sido kale waxaa bayaanka lagu sheegay inaan la shaacin doonin magaca askariga la dilay ilaa iyo inta lagu wargelinayo eheladiisa.
Waxaa gudaha dalka Afghanista ku sugan qiyaastii 20,000 oo ciidamo ajaaniib ah oo u badan kuwa Maraykanka.
Ciidamadan ayaa qeyb ka ah howlgalka uu Maraykanka hoggaaminayo ee gaashaanbuurta NATO oo garab siinaya kuwa dowladda dalkaas si ay uga guulaystaan kooxaha nabad diidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here