Milatariga Soomaalia oo deegaano hor leh AL-shabaab kala wareegay.

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga ay howlgallo ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaas, oo ay ku sugnaayeen Xubno Daacad u ah Ururka Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa howlgalka waxaay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Balcad,waxaana saraakiisha holwgalka hoggaamineysa ay sheegeen inay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ay horay gacanta ku hayeen dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Deegaanada ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah, deegaano lagu kala magacaabo Shanlow, Saarsaare, Xanshooleey iyo Cadayga,halkaas oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Axmed Maxamed Calasow oo Tareedisho loo yaqaano ayaa sheegay in howlgallada ay sii soconayaan ilaa iyo inta ay ka saarayaan Al-Shabaab meelaha ay wali ku harsan yihiin.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in farriimo kala duwan ay ka heleen dadka Shacabka ah ee ku sugan deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab taasoo u fududaynaysa inay howlgalkaan guulo ka gaadhaan.
Qaar ka mid ah Shacabka ku nool deegaanada ay Ciidanka Dowladdu la wareegeen ayaa sheegay inay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan oo dhanka AL-shababa kaga imaanaya,taasoo ay u sii dheertay xaalada nolosha deegaanadaas oo aad u adag.
Waxay sheegeen inaysan haysan waxyaabaha nolosho binu aadamka aas-aasiga u ah sida Waxbarashada,Caafimaadka iyo dhibaatooyin kale, dowladda Soomaaliyana ay ka sugayaan inay u soo gurmato.
Ciidamada Dowladda ee deegaanada hoostaga degmada Balcad kala wareegay Al-Shabaab ayaa qayb ka ah kuwii loogu talagay sugida Amniga wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcaad oo dhowr jeer ay weeraro ka geysteen Ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here