Milatariga Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo Galgaduud ku dagaalamay

Wararka naga soo gaaraya tuulooyin hoostaga Deegaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in dagaal xooggan oo u dhexeeya ururka Al-shabaab iyo Ciidanka Milatariga Soomaaliya uu halkaas ka qaraxay barqonimadii hore ee Maanta, waxaana wararku ay sheegayaan inuu jiro khaasare ka Dhashay dagaalkaas dhexmaray Ciidanka Xoogga Soomaaliya iyo Shabaabka.
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa shalay la wareegay gacanta ku heynta deegaano ay horay ugu sugnaayeen dagaalameyaasha Al-shabaab oo ka tirsan gobolka Galgaduud waxayna Masuuliyiinta Maamulka Galmudug sheegeen inuu bilowday Howlgal Balaadhan oo shabaab ka dhan ah ayagoona wacad ku maray inuusan howlgalkaan joogsan doonin ilaa AL-shabaab laga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Galgaduud iyo Mudug oo Ciidamadu ka Gaarayaan Magaalada Ceel buur oo mudo shabaabku Maamulayeen.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in Ciidanka Galmudug iyo kuwa dowladda dhexe ay kus jeeddaan magaalooyinka Al-Shabaab ay ku sugan yihiin.
Waxaa uu ugu baaqay shacabka Galmudug inay joojiyaan dagaallada ku saabsan anooyinka qabaailka taas badalkeeda ay ka qeyb qaataan dagaalka dhan ka ah Al-Shabaab.
Saraakiisha howlgalkaan hogaaminaysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dagaalku ka dambeeyey qorshe la diyaarinayey oo shabaabka looga sifeynayo gobolkaas isla markaana la sii wadi doono inta laga ciribtirayo dhulka ay joogaan.
Deegaanada Jihada Bari ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab Shacabka ku dhibaataynayeen bilihii la soo dhaafay taas ayaana keentay in Ciidamada Xoogga dalku ay ka jawaabaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here