Milatariga Soomaaliya iyo AL-shabaab oo gedo ku dagaalamay

Ciidamada Dowladda

Wararka ka imanaya Gobolka Gedo oo Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhigyo Ciidamada Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo,waxaaana halkaasi ka dhacay dagaal socday ku dhawaad Saacad sida ay baahisay warbaahin Gudaha Soomaaliya.

Taliyaha amniga magaalada Buurdhuubo Nuur Kediye Ibraahim ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay inay ka hortageen weerarkii ay kusoo qaadeen Al-Shabaab,isla markaana ay khasaro gaarsiiyeen sida uu hadalka u dhigay.
Taliyaha waxa uu tilmaamay inuusan jirin wax khasaare ah oo dagaalkaas ka soo gaaray ciidamada xoogga maadaama ay markii horeba ciidanku hayeen xogta tilmaamaysa in Xubno Shabaab ah kusoo wajahan yihiin.
Degmooyin badan oo ka tirsan Gobolka Gedo oo ay horay ugu sugnaan jireen Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa waxaa hadda gacanta ku haya Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here