Milatariga Soomaaliya iyo AL-shabaab oo ku dagaalamay gobolka Bakool.

105

Wararka aan ka helayno degmada Waajid ee gobolka Bakool koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay uu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa bilowday, kadib markii xalay Saqdii dhexe Xooggaga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada Millateriga Soomaaliya ay ku leeyihiin degmadaas,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in mudo ah Socday.
Dad ku sugan degmada Waajid ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inuu dagaalku jiro balse aysan weli xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay.
Saraakiisha Soomaaliya ayaa warbaaahinta gudaha u sheegay in Al-Shabaab weerar kusoo qaadeen Saldhiga Koonfureed ee degmada Waajiid oo ay ciidamada Millateriga Soomaaliya ku sugnaayeen leeyihiin,hayeeshee ay ciidamada Xooggu iska difaaceen, khasaarena ku gaarsiiyeen.
Wararkii ugu dambeeyay ee saakay ka imaanaya degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in xaalada degmadaasi ay degantahay,ayna gacanta ku hayaan Ciidamada Millateriga Soomaaliya,sidoo kalena ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan AL-shabaab ka dhan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here