Milatariga soomaaliya oo deegaano Hor leh kala wareegay AL-shabaab.

Ciidamada kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa la sheegayaa inay Ururka Al-Shabaab kala wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamada DANAB oo ay wehlinayeen Daraawiishta Jubbaland ay howlgal kula wareegeen deegaano u badan dhul howd ah oo u dhow degmada Jamaame oo Gobolka Jubbada Hoose,halkaasoo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Idiris Kuusow Sheekh Cabdi oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamada deegaannada ay la wareegeen ay kamid yihiin deegaannada Araare iyo Maleeleey,halkaas oo uu sheegay inay muddoo ku sugnaayeen xoogga Al-Shabaab.
Sarkaalkaan ayaa sheegay in Ciidamadu ay ka warheleen inay Al-Shabaab qorsheynayeen weeraro ka dhan ah Ciidanka dowlada,sla markaana howlgalkii ay sameeyeen ay kusoo qabteen waxyaabaha qarxa oo ay diyaarinayeen.
Sidoo kale waxaa uu intaasi ku darey in intii uu socdey howlgalka ay dagaal culus deegannadaasi kula galeen Al-Shabaab,isla markaana ay ka dileen in ka badan 10 dagaalame sida uu hadalkiisa u dhigey.
Wararkii ugu dambeeyey ee Saaka naga soo gaaraya deegaannada u dhow degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda & kuwa Daraawiishat maamulka Jubbaland ay weli howlgallo kala duwan ka wadaan deegaannadaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here