Milatariga Soomaaliya oo deegaano Hor leh la wareegay

Ciidamada dowladda

Ciidamada Dowladda Somaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay howlgallo ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa waxay sheegeen intii ay howlgalka ku jireen inay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab sidoo kalena ay la wareegeen deegaano iyo fariisimo dhowr ah oo ay ku sugnaayeen.
Taliyaha Guutada 22-aad ee Taliska qeybta 27-aad Ciidamada Xoogga Dalka Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim ayaa sheegay inay la wareegeen deegaano ay ka mid yihiin, Afcad, Ceel-bacad iyo Aboorey, kuwaasoo ka tirsan dhamaantood Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.
Sidoo kale Taliyaha waxa uu intaas ku daray in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan ilaa laga saarayo Al-Shabaab guud ahaan gobolka Hiiraan.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaaanaya deegaannada howlgalka laga fuliyay ayaa waxaay sheegayaan in xaalada deegaanadaasi ay saaka tahay mid degan,isla markaana Ciidamada Dowladda ay weli wadaan howlgallo kala duwan amaanka lagu xaqiijinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here