Milatariga Soomaaliya oo deegaano hor leh la wareegay

Gobolka Bakool ee Koonfurta dalka Soomaaliya wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in Sarakiisha Milatariga Soomaaliya ay Shabaabka kala wareegeen deegaano ay horay ugu sugnaayeen.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bakool ayaa howlgallo ay kula wareegeen deegaano dhowr ah ka sameeyeen Tuulooyin ka tirsan Gobolkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada guutada 9 aad ee gobolka Bakool oo howlgalka fulinayay ayaa sheegay inuu howlgalkaasi ahaa mid qorsheysan oo ay amniga ku xaqiijinayeen sidoo kalena ay ku doonayeen inay Al-Shabaab kaga saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool.
Taliyaha Ciidamada guutada 9aad qeybta 60aad ee Xoogga dalka Soomaaliya Muqtaar Maxamed C/llaahi Geeseey ayaa sheegay in Ciidanka ay howlgalka kula wareegeen deegaanka Abaq-geedeey oo qiyaastii 20km dhanka Bari kaga beegan Magaalada Xudur ee gobolka Bakool.
Waxaa uu taliyuhu Tilmaamay in deegaankaas uu fariisn weyn u ahaa Al-Shabaab,balse Ciidamada dowlada ay la wareegeen,iyadoo uusan ka dhicin wax dagaal ah welina ay howlgalka sii wadaan.
Ugu dambeyn Taliyaha guutada 9aad qeybta 60aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Muqtaar Maxamed C/llaahi Geeseey waxaa uu sheegay in Ciidamada ay weli u diyaarsanyihin sugida amniga deegaannada Koonfur Galbeed iyo ka hortagaan weerarada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here