Milatariga Soomaaliya oo dhaqdhaqaaqyo ka wada Jubbooyinka

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo Daraawiishta Maamulka Goboleedka Jubbaland ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo shabaab ka dhan ah waxaay ka wadaan duleedka degaanka Jannaay Cabdalla ee Gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgallada ay uga hortagayaan weerarada Al-Shabaab Deegaankaas ku qaadaan, isla markaana Ciidamada ay sii wadi doonaan ilaa degaannada ay ku harsan yihiin ay ka saaraan.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa la sheegayaa in lagu arkayo duleedka degaanka Jannaay Cabadalla, iyagoo halkaasi howlgallo culus ka wada.
Howlgalladii ugu dambeeyay ayaa saraakiisha Ciidamada DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaay sheegeen in laga sameeyay degaannada Dhisheeg waamo,Maroodi gubow iyo Dhaay unbow, isla markaana ay ku dileen laba sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab.
Jimcadii la soo dhaafay ayay Ciidanka DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland waxaay Al-Shabaab kala wareegeen degaanka Jannaay Cabdalla, balse Axadii ayay degaankaas Al-Shabaab ku qaadeen weerar ismiidaamin ah, kaasoo geystay khasaaro kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here