Milatariga Soomaaliya oo gudbiyay Gawaari ay shabaab ku xanibeen gobolka Bakool

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo howlgal Miino Baaris ah sidoo kalena looga hortagayo weerarada Al-shababa ka wada waddada isku xirta degmada Xuddur iyo deegaanka Qurac joome ee gobolka Bakool ayaa halkaas ka gudbiyay baabuur fara badan oo in mudo ah deegaankaas ku Xayireen dagaalameyaasha Al-shababa.
Wararka ka imaanaya halkaas ayaa sheegaya in Saacadihii la soo dhaafay ay degmada Xudur Gaareen Gaadiid Xamuul ah una rarnaa Ganacsadada degmada oo shabaabku mudo badan halkaas ku xayireen.
Taliyaha ururka 51 ee guutada Sagaalaad ciidanka Xoogga dlaka Soomaaliya ee gobolka Bakool ka howlgala Deerow Macalim Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedkaa Howlgalkooda ahaa sidii loo soo galbin lahaa gaadiidka ay wadada u dhexaysa degmada Xudur iyo deegaanka Qurac Joome AL-shababa ku go’doomiyeen.
Sidoo kalena ay halkaas ka soo saareen Miinooyin fara badan oo shabaabku halkaas ku aaseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here