DHAGEYSO:Milatariga Soomaaliya oo howgalo fuliyay

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo ku sugan ayaa lagu soo waramayaa inay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ku yaalla duleedka degmada Beled-Xaawo.
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Dowaldda ay weerar ku qaadeen degaanka Qaniyaale oo 30km u jira degmada Beled-Xaawo, isla markaana ay kala wareegeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo ugu Magacaaban dowladda Soomaaliya Cisman Nuur Xaaji Macalimow ayaa sheegay in weerarkasi ay Ciidamada ku dileen laba Xubnood, sidoo kale ay dib uga soo celiyeen 300 oo Neef oo Ari ah, kuwaas oo uu sheegay inay dadka Shacabka ah Al-Shabaab markii hore si awood ah uga qaateen.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ay diyaar u yihiin inay fuliyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana ay ka saaraan degaannada gobolka Gedo oo ay mararka qaar weerarada ka fuliyaan.

Ciidamada dowladda ee weerarka ku qaaday degaanka Qaniyaale ee duleedka Beled-Xaawo ayaa degaankaas, isaga soo laabtay, waxaana la sheegay in Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ay dib ula wareegeen degaankaas,isa markaana xaalada ay tahay mid degan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here