Milatariga Soomaaliya oo howlgal Miino Baaris ah ka Sameeyay shabeelada Hoose

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin ku dhow degaanka Janaale ee Gobolka Shabellada Hoose,waxaayna sheegeen in howlgalkaas uu ahaa mid amniga lagu sugaayay sidoo kalena miinooyin lagu baarayay.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Janeral C/Xamiid Maxamed Dirir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Howlgal ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen Janaale lagu soo saaray miinooyin dhowr ah oo ay Al-Shabaab ku Aaseen wadooyinka soo gala degaankaas.
Sidoo kale Taliyaha wuxuu sheegay in howlgalkaas uu yahay mid sii soconaya ayna wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka xaqiijinayaan amniga guud ee degaannada ku dhow degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hosoe oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya kadib markii ay Sanadkii hore kala wareegeen dagaalameyaasha Al-shabaab.
Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar qaraxyo iyo weeraro toos ah Al-Shabaab kula beegsadaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM xilliyada ay howlgallada ku jiraan.
Dhanka kale qaybaha ugu badan ee gobolkaas waxaa hada gacanta ku haya ciidanka Xoogga Soomaaliya kadib markii Sanadkii hore ay ku guulasteen gacan ku dhigida deegaano iyo degmooyin badan oo horay ay shabaabku u maamuli jireen Sanado badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here