Milatariga Soomaaliya oo howlgalo gaar ah ka fuliyay gobolka Gedo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii la soo dhaafay howlgallo culus ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.
Howlgalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmadaas, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Soomaaliya ayaa waxaay Warbaahinta u sheegeen inay howlgalka ka sameeyeen degaanada hoostaga degmada buurdhuubo, isla markaana ay ku baadi goobayeen xubnaha Ururka Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday degmada buurdhuubo.
Saraakiishu ma sheegin dad ay howlgalkaas kusoo qabteen, hayeeshee waxay Tilmaameen inay tageen dhowr tuulo, oo ay Al-Shabaab isaga baxeen, kuwaasoo ay howlgallo gaar ah ka fuliyeen.
Wararka laga helayo deegaana Hoos taga degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in Xilliga la weeraray degmada Buurdhuubo uu ku wajahnaa Taliyaha Ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed GEN Odawaa Yuusf Raage balse uu ka baaqsaday, isla markaana uu dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here