Milatariga Soomaaliya oo howlgalo ka sameeyay shabeelada Hoose

Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa waxaay Saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyeen deegaanka Shalaanbood oo kamid ah deegaannada hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha Ururka 14aad ee Guutada 14 october ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Dhamme Cisman Muuse Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in intii ay howlgalka ku guda jireen ay kusoo qabteen rag lala xiriirinayo Al-Shabaab oo qaarkood looga shakiyay inay ku howlanaayeen falal amniga lid ku ah.
Taliyaha wuxuu intaas ku daray in u jeedka howlgalka uu ahaa mid Amniga lagu xaqiijinayo,isla markaana lagu baadi goobayay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo deeganadaas ku dhuumaalaysanayay.
Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaay howlgallo toos ah ka wadeen deegaanada gobolka shabeelada hoose ayadoo dhawaana uu taliska ciidanka dhulka Soomaaliya sheegay inay gobolkaa shabaabka kaga saari doonaan todobaad gudihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here