Milatariga Soomaaliya oo howlgalo ka wada shabeelada Hoose

Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa AMISOM ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxay howlgallo iyo ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.
Ciidamadaan oo dhawaan la wareegay deegaanka Janaale ee shabeelada hoose ayaa Saraakiisha hoggaamineysa waxaay sheegeen inay haatan howlgallo ka wadaan meel u dhow Degmooyinka kuntuwaareey iyo Sablaale,halkaasoo ay wali ku xoogan yihiin Xubno ururka Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ku sugan deegaannada ay howlgallada ka socdaan ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay inay Al-Shabaab bilaabeen inay isaga baxaan Degmooyinka kuntuwaareey iyo Sablaale, inkastoo aan weli la helin warar madax bannaan oo arintaasi xaqiijinaya.
Taliyaha ayaa intaas ku darey in Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa Degmooyinka kuntuwaareey iyo Sablaale ay aadeen dhinaca deegaannada Gobolka Jubbada dhexe Halkaasoo ay ku xoogan yihiin shabaabku sidoo kalena ay deegaano badan ka maamulaan.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa horey ula wareegay degmooyin iyo tuulooin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana dowladdu sheegtay in qorsuhu yahay la wareegitaanka degmada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe oo mudo dheer ku jirta Gacanta Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here