Milatariga Soomaaliya oo ka hadlay duqaymo ka dhacay gobolka Jubada Hoose

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Duqeynta ayaa la sheegay inay ka dhacday degaanka mareereey oo hoostaga degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.
Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-shabaab.
Dagaalamayaasha lagu dilay duqeynta ayaa waxay tiradooda gaaraysaa 17 dagaalme, halka madaxii maaliyada Jubbooyinka u qaablsan Al-shabaab lagu dilay duqeynta, kaasoo Magaciisa lagu sheegay (Shiikh Cabdulaahi Cali Aadan)
Saraakiil ka tirsan Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ayaa warbaahinta ku hadasha afka Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in saraakiisha iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku sugnaayeen markii la duqeeynayay warshadii sonkorta ee mareereey halkaasoo lagu dilay dhamaantood sida hadalka u dhigeen.
Majiraan warar madax-banaan oo Xaqiijinaya in duqayntaas lagu dilay Xubno badan oo Shabaab ka tirsan marka laga soo tago warka Milatariga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here