Milatariga Soomaaliya oo sheegay inay howlgalo ku dileen xubno Shabaab ah

Ciidamada Milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Jubbada dhexe, waxaana howlgalladaas dowladda Soomaaliya sheegtay in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Saraakiisha DANAB ee howlgalka hoggaaminayay ayaa asheegay in howlgalka oo ka dhacay degaanka Caraboow oo qiyaastii 50-km ujira degmada bu’aale ee gobolka jubada dhexe lagu dilay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Jubbada Dhexe,oo Magaciisa lagu sheegay Xasan Sufiyaan Qooreey).
Sidoo kale saraakiisha waxaay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ee lag fulinayo Gobolka Jubbada Dhexe ilaa inta Ciidamada dowladda ay kula wareegayaan degmada Bu’aale oo ah Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxay inta badan howlgallo qorsheysan ka fuliyaan degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka & Shabeellaha Hoose ooy ku sugan yihiin AL-shabaab, waxaayna mararka qaar weeraro kala kulmaan dagalameyaasha Al-Shabaab ee deegaanadaasi ku sugan.
Dhanka kale Ciidamada Booliska ee ka howlgalla degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaay saacadihii la soo dhaafay halkaasi ka sameeyeen howlgallo dad farabadan lagu soo xir xiray.
Howlgalka ayaa yimid, kaddib markii rag hubeysan ay xalay bartamaha degmadaasi ku dhaawaceen Hanti dhowaraha degmada Baardheere u qaabilsan Maamulka Jubbaland, oo lagu Magacaabo Cabdi Rashiid Cabdiqaadir Warsame, iyaga oo goobta ka baxsaday sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya daabacday.
Ciidamada ayaa waxaay howlgalka ka sameeyeen Xaafadaha degmada Baardheere, iyagoo xir xiray dad u badan dhalinyaro,oo la geeyay saldhiga Booliska degmada Baardheere.
Goobjoogayaal ayaa waxaay sheegeen in dadka howlgalka lagu qabtay badi la siidayaay, hayeeshee ay jiraan weli kuwo u xiran Ciidamada booliska degmada Baardheere, oo saraakiishu ay sheegeen in baaritaan uu ku socdo.
Degmamada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan gobolka Gedo, wallow mararka qaar fariisinada Ciidamada ee duleedka degmada ay weerar ku qaadaan Xubno ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here