Milatariga Suuriya oo xiray hawada dalkaas

Ciidamada ammaanka ee wadanka Suuriya ayaa lagu soo warramayaa inay xireen hawada dhanka waqooyiga galbeed ee gobolka Idlib.
Arrintan ayaa timid kaddib markii ay soo baxeen warar is khilaafsan oo ku aaddan diyaarad la soo riday.
Wakaaladda wararka ee Anadolu ee laga leeyahay Turkiga ayaa ku warramaysa in diyaaradda la soo riday ay lahayd dowladda Suuriya ka taliso in kastoo midda kale ee Suuriya ee SANA ay warkaasi beenisay.
Wakaaladda wararka ee SANA ayaa dhankeeda qortay in diyaaradda uu Turkigu leeyahay.
Magaalada lagu soo riday ayaa lagu magacaabaa Saraqeb waxayna ka tirsan tahay gobolka Idlib.
Waaxda difaaca ee Turkiga ayaa qoraal ay twitarka soo dhigtay waxay ku sheegtay inay soo rideen laba diyaaradood oo laga leeyahay Suuriya.
Tallaabadan ayaa timid saacado un kaddib markii ciidamo taabacsan madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ay Idlib ku soo rideen diyaad aan duuliye lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here