Militariga iyo mucaaradka Suudaan oo heshiis gaaray

Golaha ku meel gaarka ah ee ciidamada militariga dalka Suudaan iyo isbeheysiga garabka mucaaradka ee wadankaais ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen heshiis ku aaddan awood qeybsi.
Waxay tani meesha ka saareysa dibadbaxyo ay kumannaan qof ka qeyb qaadanayeen oo bilooyinkii ugu dambeeyay ka tagnaa Suudaan.
Labada dhinac ayay wada hadalo uga socdeen caasimadda dalkaasi ee Khartoum labadii maalmood ee ugu dambeeyay.
Waxay isku afgarteen in la soo dhiso gole madax bannaan oo u dhexeya militariga iyo shacabka kaasi oo shaqeynaya muddo saddex sano ama wax ka yar inta doorasho guud ay dalkaasi ka qabsoomeyso.
Arrimhan ayaa waxaa shaaca ka qaaday dhexdhexaadiye matalaya midowga Afrika oo lagu magacaabo Maxamad Xassan.
Suudaan ayay xasilooni darro ka jirtay tan iyo bishii afaraad ee sannadkan xilligaasi oo hoggaanka laga tuuray madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here