Militariga iyo Mucaaradka Suudaan oo Kala Gaaray Heshiis Muhiim ah.

Golaha militariga ee sida ku meel gaarka ah u xukuma dalka Suudaan iyo Isbahsyiga ay ku mideesan yihiin mucaaradka dalkaas ayaa heshiis ka gaaray dhanka Dastuurka si dalkaas ay uwada hoggaamiyaan Seddaxda sano ee socota.
Dhex dhexaadiyaha Midowga Afrika ka socda ee Maxamed Xassan Lebatt ayaa ku dhawaaqay in heshiiskani lagaaray isagoona faahfaahin intaasi dheeraad ah ka bixinin.
Militariga iyo Mucaaradka Sudaan ayaa isku maandhaafsanaa hoggaaminta dalka Suudaan tan iyo markii uu meesha ka baxay bishii April madaxwaynihii hore ee Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir.
Dibadbaxyada Suudaan ayaa bilawday bishii December ee dabayaaqadi sanadkii hore 2018 markaasi oo ay dadku ka cabanayeen Sicirka Shidaalka iyo Rootiga oo sara u kacay balse markii dambe isku badalay kacdoon looga soo horjeedo hogaamiyihii hore ee dalkaasi Al-Bashiir.
Militariga iyo Mucaaradka ayaa sidoo kale ku heshiiyay in ladhiso dowlada ka kooban 11 xubin oo lix kamid ah ay ka imaanayaan shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here