Militariga Suudaan iyo dadka dibadbaxyada samaynaya oo kulamo yeelan doono

19

Golaha ku meel gaarka ah ee militariga wadanka Suudaan ayaa lagu soo warramayaa inuu shir ku casuumay mas’uuliyinta hor kacayay dibadbaxyada dalkaasi ka dhacay.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaraya sida hoggaanka Suudaan ee laga tuuray Cumar Xassan Al-Bashiir loogu wareejin karo maamul shacabka matalaya.
Arrintan ayaa timid kaddib markii dalladda xisbiyada mucaaradka ee Suudaan ay wacad ku martay inay sii xoojinayso dibadbaxyada.
Bayaan uu mucaaradku soo saaray ayuu ku sheegay inuu doonayo in arrimo dhowr ah lagu xalliyo muddo 72 saacadood gudahood ah.
Arbacadii ayay ahayd markii ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John J Sullivan uu qadka taleefoonka kula xariiray General Cabdel Fattax al-Burhan oo ah guddoomiyaha golaha ku meel gaarka ee militariga Suudaan isagoo ku booriyay inuu garab siiyo dadaalka ay shacabku ugu jiraan in la soo dhiso maamul ay ku kalsoon yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here