Militariga Suudaan iyo dibadbaxayaasha oo ku heshiiyay maamul ku meel gaar oo saddex sano shaqaynaya

67

Golaha ku meel gaarka ah ee militariga wadanka Suudaan iyo shacabka dibadbaxyada dhigayay bilooyinkii ugu dambeeyay ayaa ku heshiiyay in la soo dhiso dowlad ku meel gaar ah oo shaqayn doonto muddo saddex sano ah.
Jeneraal sare oo lagu magacaabo Yasser al-Atta oo xubin ka ah golaha militariga ku meel gaarka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay heshiiska ilaa iyo hadda la gaaray.
Hasa ahaate waxaa weli socdo wada hadalada ku aaddan cidda xubin ka noqonaysa dowladda ku meel gaarka ah in kastoo dadka mudaharaadyada samaynaya ay doonayaan in talada loo gacan galiyo maamul dadweynaha matalaya.
Horraantii toddobaadkan ayay wada hadalada laba dhinac dib u bilowdeen in kastoo ay hareyeen rabshado ay ku dhinteen 6 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here