Militariga Suudaan oo digniin soo saaray ka hor dibadbaxyada maanta

Iyadoo maanta la qorsheeyay inay dibadbaxyo ballaaran ka dhacaan wadanka Suudaan ayaa waxaa digniin qorshahaasi ka dhan ah soo saaray ciidamada militariga.
Mudaaharaadyada ayaa loogu magic daray socdaalka malaayiinta halka golaha ku meel gaarka ee militariga Suudaan uu dibadbaxayaasha iyo kooxaha mucaaradka u sheegay in lagula xisaabtamayo wixii dhimasho, dhaawac ama burbur ah oo ka dhalasho tallaabada ay doonayaan inay qaadaan.
Golaha ku meel gaarka militariga ayaa bayaan uu soo saaray oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee SUNA ku sheegay inuu aad uga digayo inuu sii kordho qalalaasaha dalkaasi ka jira.
Wadanka Suudaan ayay xasilooni darro ka jirtay tan iyo markii bishii afaraad ee sannadkan ciidamada difaaca ay xilka ka tuureen madaxweynihii talada hayay 30-kii sano ee la soo dhaafay Cumar Xassan Al-Bashir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here