Modi oo la kulmay mucaaradka iyadoo Indiya ay doonayso inay dejiso xiisada Shiinaha

Raiisul wasaaraha India Narendra Modi ayaa la kulmaya hogaamiyaasha ugu sareya mucaaradka iyadoo dowlada ay isku dayayso inay hoos u dhigto xiisadaha kala dhexeeya Shiinaha kadib markii 20 askari oo India ah lagu dilay dagaal fool ka fool ah oo ka dhacay xadka labada dal.
India iyo Shiinaha ayaa midba midka kale ku eedeeyey inuu kiciyay dagaalka toddobaadkan ka socda dooxada Galwan, oo ah qayb ka mid ah gobolka lagu muransan yahay ee ay maamusho India ee Ladakh.
Waxay ahayd iskahorimaadkii ugu dhimashada badnaa ee labada dhinac dhexmara muddo 45 sano ah.
Shiinaha weli ma uusan sheegin inuu wax khasaare ah soo gaadhay iyo in kale.
Modi ayaa maanta oo Jimciha ah shir xasaasi ah la yeeshay hoggaamiyayasha dhowr iyo toban xisbi mucaarad ah.
Labada dal ayaa sheegay inay ku wada xiriirayaan hab militari iyo mid diblomaasiyadeed si loo dajiyo xiisadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here