Mooshin ka dhan ahaa barasaabka Kitui oo meesha laga saaray

Barasaabka ismaamulka Kitui Charity Ngilu’s ayaa ka badbaaday xilka qaadis lala damacsanaa maadaama golaha hoose ee dowlad deegaankaas aan la soo hor dhigin sida uu qorshuhu ahaa.
Tani ayaa timid kaddib markii wakiilka mooshinkaas waday uu dhinac isaga dhigay.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha hoose ee Kitui Peter Kilonzo ayaa sheegay in qaar ka mid ah wakiilada oo mooshinka taageersanaa ay mowqifkoodii baddeleen.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu si ku meel gaar ah meesha uga saaray mooshinka balse hadii uu taageero helo uu sii wadi doono.
Dhanka kale qaar ka mid ah aqoonyahanada Kitui ayaa muujiyay sida ay kaga xunyihiin isqabqabsiga dhanka hoggaanka ee u dhaxeeya Ngilu iyo siyaasiyiinta laga soo doortay deegaannada hoose.
Afhayeenka dalladda aqonyahanada ismaamulkaas Katua Muinde ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed uu dib u dhac ku keenay horumarka iyo u adeegidda shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here