Mooshino iska soo horjeeda oo laga diyaariyay masuuliyiinta Hirshabeelle

Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelada dhexe sidoo kalena ay caasimada Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya inuu sii xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Sheekh Cusmaan Barre Maxamed iyadoo Magaalada Jowhar ay ka bilaawdeen mooshino iska soo horjeeda.
Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geedi ayaa sheegay inuu qabtay Mooshin ay ku saxiixan yihiin 63 Xildhibaan oo xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.
Waxaa uu xusay in Xildhibaannada ay sidoo kale ka dalbadeen in kulanka Baarlamaanka la furo oo ay Shaqeeyaan,hayeeshee ay dib u eegis ku sameynayaan maadaama lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan sidoo kalena uu dalka Soomaaliya ka jiro xanuunka Corona oo isu imaatanka bulshada aan la ogolayn.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cusman Barre Maxamed ayaa sheegay inuu isna dhankiisa qabtay mooshinka kalsooni kala noqoshada madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare
Gudoomiyaha ayaa Tilmaamay in mooshinka ay u soo gudbiyeen 54 Xildhibaan,isla markaana ay ku eedeeyeen madaxweyne Waare musuq maasuq ku tagrifal awoodeed iyo qodobo kale.
Dowladda Federaalk iyo Beesha Caalamka ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre ugu baaqay inay soo farageliyaan waxa ka socda Magaalada Jowhar,isagoo sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle uu ku dhowyahay inuu burburo lana lunsaday hantidii Shacabka sida uu hadalkiisa u dhigay.
Waxyaabaha ugu badan ee uu salka ku haayo khilaafka Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo kuxigeenkiisa oo dhinac ah iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas ayaa waxaa lagu sheegay Arrimaha doorashooyinka oo Guddoomiye Cusmaan uu dalbaday in Dowladda Federaalka lagu wareejiyo,hayeeshee ay diideen Waare iyo kuxigeenkiisa Cali Guudlaawe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here