MootO-Bajaajle lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaa uu Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda xalay ku dilay Darawal Mooto Bajaaj Xili uu ku sugnaa Isgoyska damka ee Magaalada Muqdisho.
Dilka Darawalka Bajaajlaha ayaa yimid sida ay wararku sheegayaan,kadib markii Askariga iyo wadaha Mootada ay wada murmeen,waxaana askariga dilka geystey ay goobjoogayaal sheegeen inuu goobta ka baxsadey.
Qaar kamid ah Ehelada Bajaajlaha la diley iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa meydka goobta ka qaadey,iyagoo geeyey Xarunta Hay’adda dambi baarista CID-da ee Magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale qaar kamid ah wadayaasha Mootooyinka Bajaajta ee Magaalada muqdisho ka howlgalo oo ka careysan dilka Bajaajlaha ayaa waxaay in ka badan laba Saacadood wadada Maka Al-Mukarama ka dhigayen banaanbax ay ku dalbanayeen in la soo qabto Askariga dilka geystey.
Banaanbaxayaasha ayaa xirey Isgoyska dabka,iyagoo ku dhawaaqayey Erayo ay kamid yihiin ( Bajaajle dile dooni meyno) iyo erayo kale,waxayna ugu dambeyntii si iskood ah u joojiyeen banaanbaxaasi.
Inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa mararka qaar waxay askarta dowladdu ku dilaan wadayaasha Mootooyinka Bajaajka,waxaana taasi walaac xoogan ka muujiyey Dhalinyarada ku Shaqeysata Mootooyinkaas oo si aad ah ugu badan Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyinka kale ee waa weyn ee dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here