Moses kuria oo la filaya in uu maanta racfaan qaato

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka, Moses Kuria ayaa la filaaya in maanta maxkamadda uu ka soo hor muqdo si uu racfaan kaga qaato dacwad lagu oo oogay kaddib markii haweeney ay sheegtay inuu dhibaateeyay.
Mr. Kuria ayaa la soo xiray 10-kii bishaan ee Janaayo markii lagu soo eedeyay inuu haweeney u gacan qaaday oo uu dhibaato gaarsiiyay.
Haweeneyda oo magaacedu la yiraahdo Ms Joyce Wanja ayaa sheegtay in xildhibaanka uu 8-dii bishii Diseembar ee sannadkii hore feer la dhacay kaddib markii ay weydiisay hadal uu jeediyay kaasoo ay qoonsatay.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii uu iska diiday dacwadi lagu soo eedeeyay iyaadoona qareenidiisa John Khaminwa iyo Harun Ndubi ay ku doodeyn xaqiiqda warqadda dacwada iyo qodobadda ku xusan.
Waxay sheegeen in booliska aynan awood dastuuri ah u lahayn inay qof ku soo oogaan dacwad la xiriirta fal dambiyeed.
Maxkamadda ayaa dib u dhigtay racfaan qaadashada si ay u baarto saxnimada waraaqda dacwadda waxaana maanta la filayaa go’aan kama dambeys ah oo ay maxkamadda ka soo saarto kiiska Moses Kuria.
Xildhibaanka ayaa markii la xiray kaddib la geeyay saldhigga booliska ee xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi in kastoo mudaaharaad ay sameeyeen taageerayaashiisa iyo tiro xildhibaano ah kaddib lagu daayay damiin ay boolisku bixiyaan oo ah 20,000 oo shilin.
Hadii maxkamdda ay u soo baxdo in warqadda dacwadda ay tahay mid ansax ah , mudanaha ayaa loo ogolaanaya inuu racfaan qaato si kiiska uu u sii socdo.
Mose Kuria ayaa dhankiisa ku doodaya in haweeneyda ka sheeganaysa ay doonayso inay sumcaddiisa dhaawacdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here