Moses Kuria oo maanta racfaan qaadanaya

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka Mr. Moses Kuria ayaa lagu wadaa inuu maanta racfaan ka qaato dacwad lagu soo oogay.
Waxaa loo haystaa inuu sannadkii hore xadgudub u gaystay haweeney kaddib markii ay wax ka weydiisay hadal ay qoonsatay oo uu horay u jeediyay.
Maalinkii Jimcada ayay ahayd markii siyaasigan xabsiga loo taxaabay wuxuunka ku jiray saldhigga booliska ee Kilimani ee magaaladatani Nairobi.
Habeenimadii ay Axadda soo galaysay ayaa damiin ay boolisku bixiyaan oo dhan 20 kun oo shilin lagu siidaayay wuxuuna shalay ka soo hormuuqday garsoore Kennedy Cheruiyot.
Haweeneyda ayaa sheegtay in xildhibaanka uu 8-dii bishii Diseembar ee sannadkii hore feer la dhacay .
Tallaabada Moses Kuria lagu xiray ayaa timid kaddib markii si weyn baraha bulshada looga hadlay.
Kenyanka adeegsado barta twitarka ayaa siyaabo kala duwan dareenkooda uga dhiibnayay Jimcihii cinwaanka #ArrestMosesKuria oo ay micnaheedu tahay Moses Kuria hala xiro.
Sido kale baraha bulshada ayaa lagu faafiyay muuqaalka haweeney magaceedu ku sheegtay Joyce Wanja oo codsanaysa in mudanaha lagula xisaabtamo xadgudubka uu kula kacay.
Moses Kuria oo uu matalaya qareenkiisa John Khaminwa ayaa booliska ku eedeyay inay dafireen amarkii maxkamadda ee ahaa in la siidaayo.
Wuxuu ku doodaya in saacado dheeraad ah xabsiga Kilimani lagu sii hayay taasoo uu xadgudub ku tilmaamay.
Racfaanka uu Moses Kuria maanta qaadanaya ayaa ku soo aadaya kaddib markii shalay ay maxkamaddu dib u dhigtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here