Moses Kuria oo sheegay in Ruto uu ka qeyb geli doono kulanka BBI ee Meru

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu, gobolka bartamaha dalka Mr. Moses Kuria ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu ka qeyb geli doono kulanka Kenyaanka lagu wacyigelinaya warbixinta guddiga dib u heshiisiinta ee BBI kaas oo 29-ka bishan lagu qaban doono dowlad deegaanka Meru.
Moses Kuria oo ka mid ah xulafada siyaasadeed ee aadka ugu dhaw Ruto ayaa bartiisa Facebook-ga shaaca kaga qaaday ka qeyb galka madaxweyne ku xigeenka dalka ee kulanka Meru.
Waxaa uu kulankaasi ku tilmaamay mid aad muhiim u ah oo markii ugu horreysay noqonaya mid loo wada dhan yahay maadaama ay ka soo qeyb galayaan labada dhinac.
Mr. Kuria ayaa xusay in kulan ay ka qeyb galaan shakhsiyaad siyaasad ahaan iska soo horjeedo ay tahay Kenyada loo baahan yahay.
Balse xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa dhankiisa hoosta ka xarriiqay in uu ka warqabin ka qeyb galka madaxweyne ku xigeenka dalka ee kulanka ka dhacaya Meru.
Mr. Sifuna ayaa sido kale xaqiijiyay in hoggaamiyaha ODM Raila Odinga uu ka qe yb galayo kulankaas balse uu san wax ka dhihi karin dhanka Ruto sida uu hadalka u dhigayna Mr. Kuria uu uga sii xog ogaalsan yahay.
Madaxweyne ku xigeenka dalka iyo xulafadiisa ayaan ka qeyb gelin kulamadii warbixinta dib u heshiisiinta BBI ee lagu qabtay ismaamulada Kisii iyo Kakamega.
Waxaa jiray in qaar kamid ah siyaasiyiinta taageero Mr. Ruto ay ka soo qeyb galeen kulamadii BBI ee ka dhacay ismaamullad a Mombasa iyo Kitui.
Haddii uu Dr. Ruto ka qeyb galo kulankaas , waxaa uu markii ugu horeeysay masraxa la wadaagi doonaa hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka eee ODM , Raila Odinga tan iyo intii la billaabay ololaha BBI-da.
William Ruto , madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa horay u dhaliilay kulamada BBI oo uu ku tilmaamay kuwo la siyaasadeeyay .
Wuxuu sheegay in lagua fulinayo dano siyaasadeed oo gaar ah sido kalena lagu luminayo lacagaha dadweynaha iyadoo loo marayo barasaabyada ka qeyb galaya.
Ruto ayaa tan iyo markii la billaabay ololaha warbixinta dib u heshiisiinta ee BBI ka caga jiidayay isagoo sheegay inay tahay mashruuc lagu doonayo in lagu raadsado kursiga madaxweynenimo ee sannadka 2022-ka.
Kulamadan oo muddo isbuuc ah la hakiyay kaddib geeridii madaxweynihii labaad ee dalka Daniel Arap Moi ayaa dib u billaabanaya.
Guddiga hoggaaminaya arrimaha BBI ee uu madaxa ka yahay senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa dhanka kale maanta magaalada Nairobi ku soo gabagabeynayo kulan wada tashi ah oo shalay furmay.
Waxaa shirka isugu yimid shaqaalaha wasaaradda adeegga dadweynaha , guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee (NCIC), haweenka ganacsatada ah iyo dallad ay kooxo badan xubno ka yihiin.
Sido kale waxay xubnaha guddiga BBI la kulmeen kooxaha dhalinyarada ee Nairobi ,ururka xubnaha golayaasha dowlad deegaanada iyo guddiga qaabilsan isku xirka xisbiyada siyaasadeed.
Guddiga BBI ayaa la magacaabay kaddib kulankii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii saddeexaad ee sannadkii 2017-kii dhexmaray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.
27-kii bishii 11-aad ee sannadkii hore ayaa xarunta Bomas ee Nairobi lagu soo bandhigay warbixin lagu soo koobay aragtida Kenyaanka iyo isbeddelada ay doonayaan.
Qodobbada la soo jeediyay waxaa ka mid ah in wadanka uu lahaado ra’iisul wasaare sido kalena hadii barasaabka ismaamulka uu qof rag ah yahay inay ku xigeen haweeney u noqoto.
Shacabka ayaa mar kale dib loogu laabanaya si ay u dhiibtaan dareenkooda ku aaddan qodobbada la isku duba riday iyo hadii ay jiraan waxyaabo ay doonayaan in laga beddelo ama lagu kordhiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here