Moses Kuria oo soo dhaweeyay ansaxinta miisaaniyadda ismaamullada

Xildhibaanka deegaanka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu Moses Kuria ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay shalay xubnaha aqalka sare si aqlabiyad leh ugu meel mariyeen nidaam in muddo ah la isku hayay.
Nidaamkan ayaa ah midkii saddexaad ee la doonayo inay 47-da dowlad deegaan ku qaybsadaan dakhliga.
Senatarrada ayaa sheegay in heshiis uu ismaamul kasta ku guulaystay laga gaaray murankii bilooyin soo jiitamayay.
Moses Kuria ayaa ansaxinta ku tilmaamay guul u soo hooyatay Kenya maadaama sidii laga cabsi qabay uusan jirin ismaamul dhaqaale luminaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here