Mozambique soo siidaysay ugu yaraan 5,000 oo maxaabiis ah

Dowladda dalka Mozambique ayaa lagu soo warramayaa inay xabsiyada wadankaas ka siidaysay in ka badan 5,000 oo maxaabiis ah.
Tani ayaa timid kaddib markii baarlamaanka Mozambique uu ansaxiyay cafis loo fidinayo ilaa 5,032 maxaabiis ah oo isugu jiro ajaaniib iyo kuwa wadankaas u dhashay.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid lagu yareeynayo ciriiriga ka dhex jiro xabsiyada si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Covid-19.
Waxaa cafiskan ka faaiidaystay dambiilayaasha lagu xukumay hal sano iyo wax ka yar.
Gudaha Mozambique waxaa laga diiwaangeliyay 10 kiis oo la xiriira caabuqa coronavirus .
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalkaas Filipe Nyusi uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo uu wadankaas ku jiraya ilaa 30-ka bishan afaraad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here